Skip to content


News from Somalia

Madaxweyne Museveni, waxa uu sheegay in kuwii geystay dembigaasi ay dabageli doonaan meel kasta oo ay joogaan gudaha Uganda ama Soomaaliyaba.

Kooxda Islaamiga ah ee Soomaaliya ee al-Shabaab ayaa sheegtay inay iyadu qaaday weeraradaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof oo daawanayay cayaartii ugu danbeysay ee koobka adduunka.

Mr Museveni waxa uu ku baaqay in la kordhiyo tirada ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya, oo la gaarsiiyo ilaa 20 kun, si ay ula dagaallamaan kooxaha mucaaradka, oo uu sheegay inay taageero ka helaan Bariga Dhexe.

Museveni waxa uu sheegay inuu doonayo in la beddelo qorshaha ay ku hawlgalaan ciidamada. Waxa uu yiri “Waxaan Muqdisho u joognaa inaan ilaalino garoonka dayaaradaha iyo xarunta madaxtooyada – intaas ayay ahayd,”

Waxa uu intaa sii raaciyay in markan ay doonayaan inay weerar tagaan oo ay soo qabtaan cidii ka dambeysay weerarka.

Posted in It's life.


0 Responses

Stay in touch with the conversation, subscribe to the RSS feed for comments on this post.

You must be logged in to post a comment.